Ciidanka hay’adda sirdoonka iyo Nabadsugida dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ku guuleystey soo bixinta iyo kala furista qarax miino oo lagu aasay xaafad ka tirsan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ahna Caasimadda KMG ah ee Jubbaland.
Qoraal kasoo baxay Taliska NISA Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka ammaanka ay ku guuleysteen inay qarax miino kasoo saaraan goob kamid ah xaafadaha Kismaayo, isla markaana xusay in qaraxaas la doonayay in lagu dhibaateeto shacabka Soomaaliyeed.
Taliska Nabadsugida Jubbaland ayaa u mahadceliyay shacabka kunool Magaalada ee kala shaqeeya sidii looga hortegi lahaa wax kasta oo keeni kara falal amni darro oo ka dhaca Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
“Ciidanka hay’ada Sirdoonka & Nabadsugida Jubbaland ayaa ku guuleystey soo bixinta iyo kala furista miino ay argagixisadu ku aaseen goob kamid ah xaafadaha magaalada Kismaayo taas oo ay ugu talo galeen inay ku dhibaateeyaan bulshada Soomaaliyeed†ayaa lagu yiri Qoraalka NISA Jubbaland.
Taliska Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka NISA ee dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa horey u soo bandhigay qaraxyo ay sheegeen in la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka kunool Magaalada Kismaayo.