Wasiirka Wasaaradda Arimaha gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta dowlad Goboleedka Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi-Waayeel) ayaa maamul cusub u magacaabay degmada Ceel-Garas oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Cabdi Waayeel ayaa waxaa Guddoomiyaha cusub ee degmada Ceel-Garas loogu magacaabay inuu noqdo Cali Aadan Xaashi, halka Guddoomiye ku-xigeenka degmadaas loo magacaabay Cali Maxamed Caraale.
Wasiirka Arimaha gudaha, iyo dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa sidoo kale Xoghayaha Ceel-Garas ee Gobolka Galgaduud u magacaabay Cabdifitaax Cali Cabdullaahi, magacaabista ayaa dhaqan-galeysa markii uu Wasiirka saxiixo, waana saxiixay.
Magacaabista Maamulka cusub ee degmada Ceel-Garas ee Gobolka Galgaduud ayaa timid, kadib markii la arkay baahida loo qabo in Maamul loo magacaabo degmadaas, si loo dardar-geliyo adeegyada ay bulshada u baahan yihiin, sida ku Cad wareegtada.
Hoos ka Akhriso wareegtada kasoo baxday Wasiir Cabdi Waayeel