Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed General Cabdi Xasan Maxamed Xjiaar ayaa maanta Tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan Booliiska gobolka Benaadir oo Tababar ku qaatay gudaha magaalada Muqdisho.
Ciidamadaan oo ka qeyb noqonaya ciidamada suga amniga magaalada Muqdisho ayaa muddo Tababar ugu jiray dugsi ku yaala magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed General Cabdi Xasan Maxamed Xjiaar oo khudbad dardaaran ah u jeediyay ciidama ayaa sheegay in looga baahanyahay in ay ilaaliyaan Sharafta iyo Maalka muwaadiniinta soomaaliyeed ee ay u adeegayaan.
Taliye Xijaar ayaa sidoo kale ciidamada faray in ay gutaan waajibka ka saaran ilaalinta amaanka Ummadda Soomaaliyeed ee caasimada dalka ku nool iyaga oo dhowraya Sharciga iyo Anshaxa ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.