Dowladda Soomaaliya oo lagu wareejiyay doon Casri ah

Wasaaradda kalluumeysiga iyo Khayraadka badda DFS ayaa doon kalluumeysi oo lagu tababarayo kalluumeystada waxaay maanta kala wareegtay hey’adda Qaramada Midoobay u qaabishan Cunnada iyo Beeraha (FAO).

Agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumeysiga iyo Khayraadka badda, Maxamuud Sh. Cabdullaahi Cabdiraxmaan, oo doonta kala wareegay FAO ayaa ka mahad celiyay taageerada joogtada ah, waxuuna caddeeyay in doontani oo ah doontii ugu horreysay ee wasaaraddu yeelato ay qayb weyn ka qaadaneyso horumarinta xirfadda kalluumeysiga iyo soo nooleynta hannaanka kalluumeyiga dalka.

Doonta ayaa waxaa maamulaya shaqaala ka tirsan wasaaradda kalluumeysiga oo horay loogu tababaray inay tababaraan shaqaalaha iyo iskaashatooyinka.

Agaasimaha Qorsheynta ee wasaaradda Kalluumeysiga Cabdullaahi Cabdi Cadow, oo munaasabadda wareejinta ka hadlay ayaa shaqaalaha loo tababaray inay gacanta ku hayaan doonta kula dardaarmay inay xafidaan oo si looga faa’iideeyo shacabka Soomaaliyeed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media