Wararka aan ka heleyno Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas Maanta lagu qaaday weerar Madaafiic ah xili uu ku sugnaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Weerarkaas Madaafiicda ahaa ee lagu garaacay Magaalada Marka ayaa waxaa la sheegay in qaar kamid ah ay ku dhaceen Xaafado ku yaalla halkaas,isla markaana waxaa ka dhashay Khasaaro isugu dhimasho iyo dhaawac.
Ugu yaraan laba ruux oo haween ah ayaa ku dhintay weerarka,halka saddex qof kalena ay ku dhaawacmeen sida ay sheegeen dadka deegaanka Marka.
Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayan in weerarka Madaafiicda ahaa ee soo qaadeen dagaalamayaasha Al-shabaab.
Maanta ayaa waxaa Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose gaaray wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Mas’uuliyiin kale oo socdaalka qeyb ka ahaa.
Ugu dambeyntii Xasan Cali Kheyre iyo wafdigii la socday ayaa isla Maanta soo gaga-gabeeyay safarkii halkaas ay ku gaareen,waxaana inta uu ku sugnaa amniga Magaalada uu ahaa mid aad loo adkeeyay.