Soomaalida-Carabta oo ku tilmaamay qorshe “Dil Siyaasadeed” oo lagu hayo Jaalliyadda, kadib dilkii Shaqaale ka tirsan Safaaradda Imaaraaka.
Jaalliyadda Carabta Soomalida ee laga tirada badan yahy ayaa ku baaqay in Baaritaan Madaxa-bannan lagu sameeyo falkii lagu dilay Sarkaal ka tirsan Ilaaladda Ammanka ee Safaaradda Imaaraadka Carabta ku leedahay magaalladda Muqdisho.
Sarkaalkasi oo la oran jirey Najiib Axmed Al-casaani waxa Khamiistii hore lagu dilay qarax loogu soo xiray gaarigiisa, xilli uu marayey Isgoyska Maanabolyo ee Degmadda Shibis ee magaalladda Muqdisho.
Xubno ka tirsan Jaalliyadda Soomaalida oo la hadlay Radio Dalsan waxay sheegaay tuhunsan yihiin inuu shilkaasi yahay Ciyaar Doqonimo (foul play).
Koox u dooda Soomalida Carabtz waxa uu Warbaahinta Isku-xirka Bulshadda soo marsiiyey ku sheegtay in Jalliyadda Soomalida Carabta loo beegsanayo sababo salka ku haya Siyaasadda.
“Waxaan u baahanahay Baaritaan madax bnnaan oo lagu sameeyo dilka Al-czaani, xilli an og nhay inuusan wanaagsanayn Xiriirka Dowldaha Imaaraadka iyo Somalia” ayey Kooxda Soomaalida-Carabta ku sheegeen Barta ay ku leeyihiin Facebook.
Wareysiga ay Soomaalida-Carabta siiyeen Radio Dalsan ayey ku sheegeen inuu dilka Alcazani u eg yahay Dil-siyaasadeysan “A Political assassinations”.
Dhacdo kale, Shil habeenkii Khamiista ee la soo dhaafay dhacay waxa uu Nin Somali-Carabta ka badbaaday weerar ay dbley hubeysn ku qaadeen Gurigiisa oo ku yaalla Degmadda Shibis ee magaalladda Muqdisho, oo ay ku badan yihiin dadka Carabta.
Maamulka Deegaanka waxay u xaqiijiyeen Radio Dalsan dhacdada habeenkii Jimcaha ka dhacday Degmadda Shibis.
Guddoomiyaha Degmadad Shibis ayaa xaqiijiyey in Ninka la weeraray uu ka mid ahaa Shaqaalaha Safaaradda Imaaraadka ku leedahay Somalia.
Najiib Axmed Al-casaani oo h Muwaadin Somali asalkiisu ka soo jeedo dalka Yemen waxaa Khamiistii lagu dilay qarax gaari, waxaa soo tababartay Imaaraadka Carabta.
Labo kale ayaana ku dhaawacantay weerarkaasi.
Imaaraadka Carabta waxay tababareen 50 Somali-Carab, kuwaasi oo loo soo daabulay si ay u ilaaliyaan Danaha Imaaraadka Carabta ku leeyihiin dalka colaadaha ka jiraan ee Geeska Afrika.
Xiriiradda Somali iyo Imaaraadka waxa uu haatan noqday mid qabow, kaasi oo ka dhashay ntiijadd khilaafka u dhexeeya Imaaraadka iyo Turkiga.
Danaha Turkiga ee Somalia ayaa sii korayey tan iyo sannadkii 2011-kii, kaasi oo Danaha Imaaraadka ka dhigay mid dhibaataysan.
Dhinaca kale, Imaaraadka Carabta ayaa lagu eedeeyaa inay faragelin ku hayaan Siyaasadda Somalia, iyagoo Hoggaamiyayaal ka tirsan Maamul-gobaleedyadda ku casuumay magaallooyinka Dubai iyo Nairobi.
Sidoo kale, Shirkad laga leeyahay Imaaaraadka waxay sannadkan la wareegeen Maamulka Dekedda Berbera ee Maamulka go’ay ee Somaliland, taasi oo ah tallaabo muujinaysa inaysan si fiican ula soconin qeybaha harsan ee Somalia.
©Radio Dalsan