Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa gelinkii dambe ee maanta ka degay Garoonka Diyaaradaha ee Bole International Airport ee magaalladda Addis Abeba.
Madaxweynaha iyo Wafdigiisa waxaa Garoonka si diiran ugu soo dhaweeyey Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Haile Mariam Desalegn, Wasiiro iyo Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Ethiopia iyo qaar ka mid ah Jaalliyadda Soomaalida ku nool Addis  Abeba.
Madaxweyne Farmaajo oo booqasho 2 cisho ku joogi doona Addis Abeba, waxa uu la kulmi doonaa dhigiisa dalkaasi, Mulato Tshome iyo RW Haile Mariam.
Waa Booqashadii 1-aad ee uu Farmaajo isagoo Madaxweyne ah ku tago Addis Abeba, inkastoo xilligii uu ahaa Ra’isul-wasaarihii Dowladda KMG uu  booqday bishii December ee sannadkii 2010-kii.
©Radio Dalsan