Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka Galmudug, C/kariim Xuseen Guuleed ayaa maanta dib ugu laabtay Caasimadda KMG ee Galmudug ee Cadaado, kadib, markii uu soo dhamaystay booqasho uu shalay ku tegay magaalladda Jowhar.
Madaxweyne Guuleed oo ay wehliyaan Xubno ka tirsan Aqalka Sare ee Galmudug ayaa waxay shalay ka qeyb galeen Doorashadii Madaxweynaha Maamulka HirShabelle iyo Ku-xigeenkiisa oo lagu qabtay Hoolka Shirarka ee magaalladda Jowhar.
Madaxweynaha Galmudug oo shalay ka hadlay Munaasbadda lagu doortay Madaxda Maamulka HirShabelle waxa uu u hambalyeeyey Madaxweynaha Maamulkaasi, Cali C/llaahi Cosoble iyo Ku-xigeenkiisa, Cali Guudlaawe, wuxuuna ku booriyey inay ka shaqeeyaan Danaha Qaranka.
Madaxweyne Guuleed waxa uu Baaq u diray Ugaaska Beelaha deggan Gobalka Hiiraan, Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, wuxuuna ku booriyey inuu taageero Maamulka cusub ee HirShabelle.
Wafdiga Madaxweynaha Galmudug waxaa Garoonka Cadaado ku soo dhaweeyey Madax ka tirsan Labada Gole ee Maamulka Galmudug.