(Sawiro): Faahfaahinta Is-qarxin saakayto ka dhacday Xarunta Gaadiidka Boliska ee Degmadda C/casiis.

Aroornimaddii hore ee saakayto ayaa waxa uu qarax ka dhacay Maqaayad laga shaaho oo ku taalla meel ku dhow Xarunta Gaadiidka Boliska oo ku taalla Degmadda C/casiis ee magaalladdaMuqdisho.

Nin watay gaari miineysan oo noociisu ahaa SURV ayaa la sheegay inuu waxyeello ka soo gaaray qaraxaasi, mana kala cadda in gaarigaasi lagu soo talagalay inuu qarxo iyo in qofkii lahaa miino loogu soo rakibay.

Taliyaha Boliska Gobalka Banaadir, Jeneral Cali Barre Xersi “Cali Gaab” ayaa sheegay  inay qaraxaasi ku geeriyoodeen 3 Sarkaal iyo Haweeney ka shaqeynaysay Maqaayad ku taallay halka uu ka dhacay Qaraxaasi.

Saraakiisha geeriyootay waxay ka mid ah Saraakiil Bolis oo ka qeyb galayey Tababar maalmahan ugu socday Xarunta dhexe ee Gaadiidka Boliska Soomaaliyeed.

QARAX4 QARAX6 QARAX1 QARAX5 QARAX 2 QARAX 3

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor