Shabakadda Wararka ee Standard Media ayaa qortay inay Sirdoonka Kenya sheegeen inuu Hoggaamiye Kenyan oo ka tirsanaa Alshabaab u muuqdo inuu isaga tagi doono Xarakadda Alshabaab, waa sida hadalka loo dhigay.
Warbixinta Sirdoonka Kenya ayaa lagu sheegay in Hoggaamiyahaasi, Axmed Iimaan uu madax u yahay Dagaalamayaasha Jeysh Ayman ee ka dagaalanta Kaymaha Booni ee dalka Kenya.
Wargeyska waxa kale uu qoray in Axmed Iimaan ugu qaabilsan yahay Alshabaab dhinaca habaynta iyo Codeynta Muuqaaladda Video-ga ee ay Alshabaab ku baahiyaan Barahooda Internet-ka.
Warbixinta Sirdoonka Kenya waxaa lagu muujiyey inuu Axmed Iimaan haatan ku jiro dhuumalaysi, iyo in uu wada-hadal ugu jiro sidii uu uga soo ambabixi lahaa Somalia, waa sida hadalka loo dhigay.
Warbixinta waxaa kaloo lagu qoray inuu Axmed Iimaan ka caraysan yahay fal lagu dilay Dhallinyaro Kenyan ku biiray Alshabaab, kuwaasi oo lagu eedeeyey inay basaas u ahaayeen Ciiddanka Kenya, waa sida lagu soo daabacay Warbaahinta Standard Media.
Si kastaba ha ahaatee, ma jiraan warar ka madax bannaan Sirdoonka Kenya oo muujinaya Khilaafka u dhexeeya Axmed Iimaan iyo Hoggaanka Sare ee Alshabaab.
Xigasho:standardmedia.co.ke