Dagaal Magalada Jowhar ku dhexmaray Ciidamo uu wato Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Gobolka Sh/Dhexe iyo….

Wararka aan ka heleyno Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Maanta uu ka dhacay dagaal xoogan.

Dagaalkaasi ayaa u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Hir-Shabeelle iyo Ciidamo uu watay Guddoomiye kuxigeenkii hore ee amniga Gobolka Shabeellaha Dhexe Nuur Dheere,waxaana ka dhashay dagaalka Khasaaro.

Wariyeyaha Warbaahinta Dalsan ee ku sugan Magaalada Jowhar ayaa sheegay in dagalkan uu yimid kadib markii Ciidamo ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle ee joogay Koontarool laga soo galo Jowhar ay celiyeen Guddoomiye kuxigeenkii hore ee amniga Gobolka Shabeellaha Dhexe oo doonayay in uu soo galo Magaalada,isla markaana sidaas uu dagaalku ku bilowday.

Guddoomiye kuxigeenkii hore ee amniga Gobolka Shabeellaha Dhexe Nuur dheere ayaa waxaa la sheegay in uu ka yimid tuulooyin hoostaga Magalada Jowhar,hayeeshee loo diiday in uu Magalada Jowhar gudaha u galo.

Ugu yaraan laba ruux oo mid kamid ah ay tahay Haweeneey iyo Nin Oday ah  ayaa dagaalkaas dhexmaray Ciidamo uu wato Guddoomiye kuxigeenkii hore ee amniga Gobolka Shabeellaha Dhexe Nuur Dheere iyo Ciidamada Maamulka Hir-Shabeelle ku geeriyoodeen.

Wararkii ugu dambeeyay naga soo gaaraya Jowhar ayaa sheegaya in weli ay is hor-fadhiayaan Ciidamadii ku dagaalamay  Koontaroolka laga soo galo Magaalada Jowhar ee ku yaalla Wadadada aada dhinaca Garoonka Diyaaradaha ee  Magaaladaasi.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war oo ka soo baxay maamulka Hir-Shabeelle oo ay uag hadlayaan dagaalkii ka dhacay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor