Sarkaal sare oo ka tirsanaa Maleeshiyadda Xuutiyiinta oo la dilay.

Jeneral Xasan Almalsi oo ahaa Taliyihii Ciiddanka Khaaska ee Xuutiyiinta ayaa lagu dilay Koonfurta Gobalka Najraan ee  xuduudka Sacuudiga la wadaagaan Yemen.

Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay in Sarkaalkaasi lala dilay dhowr Maleeshiyo oo isaga ku wehlisay Hawlgal ay ku doonayeen inay si dhuumaalaysi ah ku soo galaan Xuduudka Sacuudiga.

Mleeshiyadda Xuutiyiinta waxay maalin kasta Gantaalo iyo Hoobiyayaal ku duqeeyaan Xuduudka Koonfureed ee Sacuudiga, oo uu ku jiro Gobalka Najraan.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor