Wararka aan ka helayno Gobolka Sanaag ayaa ku warramaya in goordhaweyd halkaasi lagu dilay, Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Booliska Somaliland, kaasi warar kala duwan ay kasoo baxayaan sababta ka dambeysay dilka Taliyahaasi.
Alle ha u naxariisto Taliyaha la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Cabaas Maxamed Diiriye, waxaana uu ahaa Taliyaha Booliska degmada Gar-Adag ee gobolka Sanaag.
Wararka aan helnay ayaa tibaaxaya in Masuulka la dialy uu ku jiray howgal hawlgal ay Ciidanka Booliska Somaliland ku soo qabanayeen nin ay raadinayeen, Balse waxaa la sheegay in ay dhacday rasaas ay is waydaarsadeen Booliska iyo dhinaca kale, taasina waxaa ay kjeentay Geerida Taliyahaasi.
Wali Booliska Somaliland wax war ah kaam soo saarin geerida Cabaas Maxamed Diiriye oo goordhawyed lagu dilay degmada Gar-Adag ee gobolka Sanaag, sidoo akle ma jirto faah faahin intasi ka dheeri ah oo la helay.
wixii kusoo kordha halkaan kala soco