Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa soo qabanqaabisay Dibadbax Roob-doon ah oo ay ka qeyb galeen Mas’uuliyiin, Culumaa’udiin, Ururadda Bulshadda iyo Ardayda dhigata Dugsiyadda Qur’aanka Kariimka.
Bannaanbaxaasi Roob-doonka ayaa lagu qabtay Masjidka isbaheysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho. waxaana lagu tukaday Salaad Alla-bari ah.
Mashaa’iqda ka hadashay Dibadbaxaasi ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay jogteeyaan dibadbaxyada Alla bariga ah ee noocaan oo kale ah, waxayna Alla ka baryeen Roob Raxmad leh oo ay dadka iyo duunyada ku diirsadaan.