Guddiga Doorashada Hirshabeelle oo shaaciyay Jadwalka Doorashada saddex kursi

Guddiga doorashooyinka dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa shaaciyay qabashada doorashada saddex kursi oo kamid ah ku harsan ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Jowhar.

Qoraal kasoo baxay Guddiga doorashooyinka Hirshabeelle ayaa waxaa lagu sheegay inuu Guddiga qabanayo doorashada saddex kursi oo tirsigoodu kala yihiin #HOP106 #HOP024 iyo #HOP140, iyagoona Guddiga soo saaray Jadwalka doorashada kuraasta.

Guddiga ayaa xusay in diiwaan-gelinta ergada wax dooraneysa iyo diiwaan-gelinta Musharaxiinta ku tartamaya  kuraasta ay bilaabaneyso maalinta Jimcaha soo socota oo ay taariikhdu ku beegan tahay 8 bishaan April 2022.

Ugu dambeyn Guddiga doorashooyinka dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa shaaciyay in doorashada kuraastan la qaban doono 9-ka bishaan, isla markaana doorashada ay ka dhaceyso Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Maamulada Hirshabeelle iyo Jubbaland ayaan weli dhammeeynin doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, waxaana Hirshabeelle ku harsan 6 kursi, halka Jubbaland oo caqabad siyaasadeed heysato ay ku dhiman yihiin 16 kursi oo taalla Magaalada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor