(Dhageyso):- Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Shegay In Gudiga Qilaafaadka Looga Fadhiyo Xalinta Kuraasta Muranka Ay Ka Jirto.

Muqdisho(Radio Dalsan):- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kahadlay arimo dhoor ah oo ku sabsan doorashooyinka dalka iyo xildhibaanada cusub ee dhawaan la soo doortay

Madaxweynaha ayaa ugu horeen sheegay in ay jiri karto tabashooyinka kayimaada kuraasta qaar ee ku soo baxeen xildhibaanada waxa uuna sheegay in xalinta arinkaasi looga fadhiyo gudiga qilaafaadka ee doorashooyinka waxa uuna ku baaqay in gudiga looga danbeyo xalinta muranada qaar ee ka taagnak kuraasta

dhinaca kale madaxweynaha ayaa sheegay in 15-ka bishan ay bilaaban doonto kalfadhiga koowaad ee baarlamanka cusub waxa uuna ku baaqay in ladadajiyo howlaha horyaala baarlamanka

Halkan Hoose Ka Dhageyso Codka madaxweynaha

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor