Ugu yaraan hal qof ayaa ku geeriyooday, labo kalena wey ku geeriyoodeen Qarax maanta ka dhacay magaalladda Muqdisho.
Sarkaal ka tirsanaa Hay’adda NISA ee ka hawlgeli jirey Degmadda C/casiis ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday qaraxa Gaarigaasi oo xilligaas taagnaa meel shidaalka laga qaato oo ku taalla inta u dhexeysay Baar Fiat iyo Hotel Jubba.
Taliyaha NISA ee Degmadda C/casiis, Cali Gaashaanle oo la hadlay Wakaalladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay inuu qaraxaasi ku geeriyooday Sarkaal ka tirsanaa Ciuiddanka Hay’adda NISA ee ka hawl-gala Degmadda C/casiis.
Waxaa kaloo ku dhaawacantay 2 qof oo ka mid ahaa dadkii saarnaa gaariga qarxay.
Gaariga ayaa la sheegay inuu soi gaaray Burbur ka dhashay Qaraxa miinadda lagu dhejiyo Gaadiidka.
©Radio Dalsan