Muwaadinad Dr. Mona Al-sharmani waa Garyaqaanad u matalaysa dalkeeda hooyo ee Somalia dacwadda ka socota Maxkamadda ICJ ee Kiiska la xiriira sheegashadda Kenya ku boobayso qeybo ka mid ah Badda Somalia.
Dr. Mona waxay ka tirsan tahay Xafiiska magaalladda New York ee Shirkadda Weil, Gotshal & Manges LLP, halkaasi oo ay ka ahayd Xubin ka tirsan Kooxda Hawlaha Bangiga iyo Maaliyadda tan iyo sannadkii 2001-dii.
Bilowgii sannadihii 1990-aadkii, Marwo Mona Al-sharmani waxay muddo 3 sanno ku soo qaadatay Shaqada Khibradeed ee U-qeybsanaha dhinaca Sharciga ee Guddiga Joogtadda Somalia u jooga Xarunta QM ee magaalladda New York, waxayna halkaasi kaga shaqeynaysa arrimaha khuseeya Sharciga Caalamiga.
Marwo Mona Al-sharmani waxay Takhasuska LLM ka qaadatay Dugsiga Sharciga ee Harvard Law School sannadkii 2001-dii.
Sidoo kale, Shahaadada PhD ka qaadatay Dugsiga Daraasaadka Caalamiga ee The Johns Hopkins School of Advanced International Studies (SAIS), halkaasi oo Doktoradkeeda diiradda ku saartay Falaanqeynta dhinaca Sharciga ee Maalgelinta Qarankja ee dalalka Horu-u-maray.
Waxaa u sii dheer Mona Al-sharmani inay Jaamacadda Qaahira “Cairo University” ay sannadkii 1989-kii ka heshay Shahaadada LLB.
Mona Al-sharmani waxay xubin ka tahay Ururadda Qareenadda Maraykanka “The American Bar Association), waxayna mihnadeeda kaga hawlgashay Gobalka New York.
Waxay dhawaan qortay Maqaalaadka “Dejinta Khilaafaadka ee ICSID: Waxyaabaha shuruudaha ee looga baahan yahay ee Dedejinta Khilaafaadka ee Ganacsiga Caalamiga, Maalgashiga iyo Aqoonta Milkiyadda ee Qeybta 2.4.Christoher Schreuer Ed. Geneva, CH: UNCTAD.2003
©Radio Dalsan