Xiriiriyaha Boliska AMISOM ee Tababaradda iyo Horumarinta, Francis Aryee ayaa sheegay inay Saraakiil badan oo dhinaca Ammaanka u daad-gureeyeen Caasimadda Maamul-gobaleedyadda Hirshabelle iyo Galmudug, si ay gacan uga geystaan Ammaanka Doorashadda ka dhacayso Jowhar iyo Cadaado.
Waxa uu intaasi ku daray inay Saraakiisha AMISOM kala shaqeyn doonaan Boliska Somalia sidii loo xoojin lahaa Ammaanka muddada ay Dorrashooyinka socdaan iyo inay si nabad ah ku dhacaan Doorashooyinka.
Waxaa la rajeynayaa inay Xildhibaanadda cusub ee Barlamaanka Somalia bisha soo socoto ee November 30-da doortaan Madaxweynaha cusub ee Somalia.
©Radio Dalsan