Dagaalamayaasha Alshabaab waxay maanta weerar loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa la beegsadeen Saldhigga Ciiddanka Jabuuti ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM ku leeyihiin Xaafadda H/wadaag ee Galbeedka Beled-weyne.
Afhayeenka Xarakadda Alshabaab ugu qaabilsan Hawlgalladda Milliteri, Sheekh C/casiis Abu Muscab ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka REUTERS inay Alshabaab ka dambeeyeen weerarkaasi, isla markaana ay ku dileen 17 Askari oo ka tirsan Ciiddanka Jabuuti ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.
Dhinaca kale, Hadal ka soo baxay Maamulka Beled-weyne ayaa lagu sheegay in gaari xamuul oo miineysan lagu weeraray Saldhigga Jabuuti ku leeyihiin meel ku dhow Suuqa Ariga ee Kabo-lays ee duleedka Beled-weyne.
Maamulka waxay kaloo xuseen in laga war hayey gaariga ku soo wajahnaa Saldhiga Ciiddanka Jabuuti, laguna qarxiyey inta uusan soo gaarin Saldhigaasi.
Dhinaca kale, 2 Askari oo Jabuutiyaan ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen qaraxaasi, iyadoo warar kalena sheegayaan inay dhowr qof oo rayid ah ku geeriyootay Qaraxaasi.
Isbitaalka Dhexe ee Beled-weyne ayaa la geeyey dad rayid ah oo ku dhaawacmay Qaraxaasi iyo Rasaas ay Ciiddanka Jabuuti iyo kuwa Dowladda Federalka fureen qaraxa kadib.
©Radio Dalsan