C/llaahi Maxamed Cali Sambalooshe” Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka &Nabadsugida Qaranka Somalia (NISA), waxa uu Eedeyntaasi ku sheegay Maqaal dheer oo uu qoray oo shalay oo Isniin ahayd lagu soo daabacay Wargeyska The National Interest ee ka soo baxa dalka Maraykanka.
Waxa uu Maqaalkiisa uu Cinwaan uga dhigay: “Somalia waa inay naftooda iska badbaadiyaan Qatar” kaga hadlay sida ay dadka Soomaaliyeed gudaha iyo dibeda u soo dhaweeyeen Madaxweyne Farmaajo markii xilkaasi loo doortay bishii Feberaayo ee sanadkii 2017-kii, iyadoo Diplomaasiyiinta rumeysnaayeen inuu Farmaajo noqon doono Nin Daacad ah, Firfircoon oo Isbedel sameeye ah, waa sida uu qoray Sambalooshe.
Maqaalka waxaa lagu xusay in 40-ka bilood ee Xukunka hayo Madaxweyne Farmaajo kadib uu Amniga dalka aad u liito, Dhaqaalihii burburay, Dowladihii Federalka kala qeybsan yihiin, Siyaasadda Dibedda oo aan sal lahayn, Hay’adihii Qaranka oo naafoobay, Cudurkii COVID 19 oo waxyeeleynayo Bulshadda, Muqdisho oo loo go’doomiyey cabsi laga qabo Weeraro Argagixiso, waa sida uu Sambalooshe ku qoray Maqaalkiisa lagu soo daabacay Wargeyska The National Interest.
“Iyada oo uu Xilligii Farmaajo dhamaad yahay, waxa uu garwaaqsaday inuu noqdo sun ama Waabaay oo kale, iyadoo kuwii uu Isbahaysiga la ahaa oo uu ku jiro RW Kheyre lagu soo waramay inay ka tegayaan, halka ay Mucaaradkiisa galangal ugu jiraan sidii ay xilka uga tuuri lahaayeen”ayuu Sambalooshe ku qoray Qormadiisa.
Waxa uu sii raaciyey inuu Madaxweyne Farmaajo qorsheynayo inuu ku shubto Doorashada soo socota ama uu Xilli-kordhin sameysto oo aan sharciga Waafaqsanayn iyo inuu abuuro Xaallad Degdeg ah oo uu muddo-xileedkiisa Madaxweynenimo ku sii seeto-dheereysto, waa sida hadalka u dhigay
Agaasimihii hore ee Hay’adda NISA, C/llaahi Maxamed Cali “Sambalooshe” waxa uu Qormadiisa ku soo hadal-qaaday Dowladda Qatar oo uu ku sheegay inay caqabad ku yihiin dalka Somalia, isla markaana ay taageero Dhaqaale iyo mid Farsamo siiyaan Dowladda Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dowlad-gobaleedyada jaalka la ah DFS, waa sida uu hadalka u dhigay.
Waxa kale oo uu qoraalkiisa ku muujiyey in Madaxweyne Farmaajo oo u nugul Dowladda Qatar inuu heer xun gaarsiiyey Xiriirka Taariikhiga iyo midka Istaraatijiyadda ee ay Somalia la lahayd dalalka Gacanka Carbeed iyo Masar.
Maqaalka uu Agaasimihii hore ee NISA ee lagu soo daabacay Wargeyska ka soo baxay Maraykanka waxa kale oo uu ku xusay inay Dowladda Qatar ku fashilantay Ballanqaadkii Mashaariicdii laga hirgelin lahaa Somalia iyo inay Dowladda Qatar ku hawlan tahay sidii uu Madaxweyne Farmaajo dib ugu soo laaban kursiga Doorashada soo socota.
Ugu dambayntii, Qoraalka uu C/llaahi Sambalooshe ku soo qoray Wargeyska The National Interest waxa uu ku soo gebagebeeyey inay dhamaan dadka Soomaalida ee Nabadda jecel u duceeyaan Somalia, si Hoggaamin Cusub loogu helo Shacabka iyo Dib-u-soo-kabashada.
*C/llaahi Maxamed Cali “Sambalooshe” oo mar Xildhibaan Qaran noqday waxa uu soo qabtay Xilalka Agaasimaha Hay’adda NISA iyo Safiirkii Somalia uga wakiilka ahaa dalalka Turkiga iyo Britain
Xigasho: nationalinterest.org