Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa ka hadlay Fatahaada Wabiga Shabeelle uu ka sameeynayo Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dadka Kenya in ay ka qeyb qaataan gurmadka dadka walaalahooda ah ee ka Barakacay fatahaadda Webiga Shabelle ee Magaalada Baladweyne.
“Dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya waxaan leeyahay u gurmada walaalihiina ree Beledweyne ee Webigu ku fatahay, bannaanka ayay jiifaan, ka sokoow ajnabi, Walaalahooda Soomaaliyeed ayay sugayaan” ayuu yiri Danjire Tarsan.
Sidoo kale Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya ayaa hadalkiisa sii raacsiiyay “Dowlad iyo shacab ba in aan u midowno ayaa loo baahan yahay samata bixinta dadkeena dhibku haysto”.
Si kastaba Magaalooyin badan oo kamid ah Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda gurmad xoogan oo loo sameeynayo dadka ku dhibaateysan Magaalada Baladweyne iyo duleedkeeda, kuwaasi oo uu sameeyay fatahaada Wabiga Shabeelle.