Madaxweyne Waare oo ka hadlay Xaalada adeg ee ka jirta Baladweyne

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa waxaa uu ka hadlay fatahaada uu Wabiga Shabeelle ka sameeyay Xaafadaha Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Waare ayaa tacsi u diray dadkii ku dhintay doontii maalin kahor ku qalibantay fatahaada ka dhalatay Biyaha Wabiga, isagoona ka qeyb galay Aas loo sameeyay dadkii  halkaas ku dhintay.

Sidoo kale Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa uu sheegay in Baladweyne ay ka dhacday Musiibo saameyn ku yeelatay dadkii kunoolaa halkaas, isla markaana gudaha Magaalada ay buux dhaafiyeen biyo faban, kuwaasi oo dhex yaalla Guryihii ku yaalla Baladweyne.

Isaga oo sii hadlaayay ayuu sheegay in Hirshabeelle ay u taallo howlgal adeg oo la xiriirta Musiibada saameysay dadka iyo Magaalada Baladweyne, taasi oo uu xusay inay tahay mid loo baahan yahay in  laga wada qeyb qaato.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ugu baaqay cid kasto inay ka qeyb qaadato gurmadka loo sameeynayo dadka ku dhibaateysan Baladweyne, isla markaana ay u baahan yihiin Gurmad deg deg ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media