Safiirka Somalia ee Midowga Yurub & Feysal Cali Waraabe oo ku kulmay Brussels

Magalada Brussels ee Wadanka  Belgium-ka waxaa maanta ku kulmay Safiirka Soomaaliya ee Midowga yurub iyo Guddoomiya Xisbiga UCID,ee Soomaaliland Eng,Feysal Cali Waraabe.

Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Cali Siciid Fiqi ayaa Feysal Cali Waraabe kusoo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha Magalada Brussels oo uu Maanta gaarey,waxaana soo dhaeyn ka dib dhex maray kulan arrimo badan looga hadlay.

Eng,Feysal Cali Waraabe ayaa ka mid ah Madaxda ka qeyb galeysa Shirka looga hadlayo Arrimaha Somalia oo berrito ka furmi doona dalka Belgium.

Shirkaas ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galaya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,madaxda Dowlad Goboleedyada iyo wufuud heer Caalami ah.

Dad badan ayaa siweeydiinaya kulanka maanta dhexmaray Eng.Feysal Cali Waraabe oo ah guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka Soomaaliland ee UCID iyo Safiirka Soomaaliya ee Midowga yurub Cali Siciid Fiqi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor