Muwaadin Soomaali oo Taliye ka ahaa Kooxda Daacish oo lagu dilay dalka Syria

Sida lagu daabacay Shabakadda Wararka ee Kooxda La-socodka Xuquuqda Aadnaha ee dalka Syria ee fadhigooda dhex ku yaalla magaalladda London waxaa weli sii soconaya dilalka Khaarijinta ee Maleeshiyadda Kooxda Daacish loogu geysanayo dhulka Buuraleyda ee Gobalka Idlib oo ku yaalla  K/galbeed ee dalka Syria.

Shabakadda Wararka ee syriahr.com waxay qortay in la dilay Muwaadin u dhashay Somalia, kaasi oo Taliye ka ahaa Kooxda Maleeshiyadda Daacish ee ku sugan Gobalka Idlib ee W/Galbeed ee dalka Syria.

Taliyahaasi oo magaciisa lagu soo koobay Abu  Hurayrah Al-somali ayaa la sheegay in Jimcihii la soo dhaafay oo ku beegnayd bishan July 13-dii la dilay, kadib, markii ay Kooxo hubeysan jidka u galeen xilli uu ku safrayey waddo u dhexeeysa Idlib City iyo Degmadda Saraqeb.

Kooxda La-socodka Xuquuqda Aadanaha faahfaahin dheer ah kama bixinin sababihii Abu Hureyrah Al-somali loo dilay iyo kooxdi ika dambeysay, waxayna Kooxda diiwaan-gelisay in 15 ka tirsan Daavish lagu dilay qaraxyo iyo weeraro ka dhacay Gobalka Idlib tan iyo Jimcihii la soo dhaafay (13-kii July ee sannadkan 2018)-ka.

Si kastaba ha ahaatee, ma aha Muwaadinkii ugu horreeyey oo Somali ah oo ka tirsan Maleeshiyadda Daacish oo lagu dilay gudaha dalka Syria, waxaana horey loogu dilay Tobanaan Soomaali oo ay ka mid yihiin Wiil uu dhalay Hoggaamiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland, Faysal Cali Waraabe, kaasi oo la oran jirey Xuseen Faysal, balse Kooxda Daacish dhexdeeda looga yaqaanay Abu Shucayb Al-somali, kaasi oo duqeyn lagu dilay bishii December ee sannadkii hore.

Waxaa kaloo jiray Nin Somali oo ka tirsanaa Kooxda Daacish oo lagu dilay dalka Syria, kaasi oo la oran jirey Faarax Maxamed Shirdoon, waxaana adeer u ahaa Ra’isul-wasaarihii hore ee Dowladdii KMG Somalia,  Cabdi Faraax Shirdoon (Saacid).

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor