Sacuudiga oo shaaciyay Ganaaxa lagu ridayo dadka u dhuunta Xajka

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Sacuudi Carabiya ayaa xaqiijiyay inuu soo rogi doono sharci ganaax lacageed ah, kaasi oo la dul-dhigayo dadka jabiya shuruucda geliddda magaalada Maka.

Qofka lagu arko goobaha barakeysan isagoon ogolaasho haysan waxaa lagu ganaaxi doonaa aduun lacageeed oo dhan 2,666 oo doolar.

Tallaabadani ayaa looga gol-leeyahay in lagu meel mariyo sharciyada lagu xaddiday tirada dadka sannadkan xajinaya taasi oo looga hortagayo faafidda fayraska corona.

Warbixin ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Boqortooyada ayaa lagu sheegay in ganaaxaasi uu dhaqan-geli doono laga bilaabo 19-ka bishan July oo ku beegan 28-ka Dhul Qadah) wuxuuna socon doonaa ilaa bisha Ogosto labadeeda.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in ganaaxa lacageed uu laba laabmayo haddii xad-gudubkaasi marlabaad qofka lagu qabto.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media