Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa xalay saacadihii lasoo dhaafay siweyn uga da’ay roobab xoogan, kuwaasi oo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada, sidoo kalena saameeyn ballaaran geystay.
Roobabka oo da’ayay saacado dhowr ah oo saqdii dhexe ee xalay ayaa waxaa uu sameeyn ballaaran ku yeeshay qoysas danyar ah oo deganaa Xaafado ku yaalla Degmooyinka Boondheere iyo Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir.
Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Maxamed Cabdullaahi Tuulax iyo Mas’uuliyiin kale ayaa tegay Xaafadaha uu sameeyay Roobkii ka da’ay Caasimadda.
Guddoomiye Tuulax oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in xalay ilaa iyo saakay ay Gurmad u sameenayeen qoysas danyar ah, isla markaana ku dhawaad 50 qoys ay ka soo saareen Guriyadooda oo biyo farabadan galeen.
Waxaa uu sheegay Tuulax in dadkaas ay gurmadka u sameeyeen Waaxda Gurmadka deg deg ah ah ee Gobolka Banaadir iyo dadweyne shacab ah, kuwaasi oo laga arkayay, iyaga oo dadka ka soo saaraya Guriyo ay galeen biyo badan.
Sawirro iyo muuqaalo laga soo qaaday Guryo ku yaalla Degmooyinka Boondheere iyo Warta-nabadda ayaa waxaa lagu arkayay Guryo ay biyaha roobka ka buux-sameen oo dad da’ ah iyo Caruur laga soo saarayay.
Sidoo kale Roobka ayaa sameeyay qaar kamid ah Waddooyinka waaweyn ee Muqdisho, kuwaasi oo Maanta ay xireen biyaha Roobka, isla markaana gaadiidka ay ku adeg tahay inay maraan, iyagoo isticmaalaya Waddooyin qardo-jeex ah.