Faah faahin:-Qarax lagu dilay Askar ka tirsan Jubbaland oo dhacay

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax xoogan oo Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Jubbaland lagula eegtay deegaan ku yaalla Duleedka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa Askar ka tirsan Ciidanka Jubbaland oo saarnaa Gaari nooca dagaalka ah lagula eegtay meel ku dhow deegaanka Buula-guduud, xili ay halkaas socdaal ku marayeen.

Ugu yaraan 10 Askari oo ka tirsan Ciidanka Jubbaland ayaa la sheegay inay ku dhinteen qaraxaas, halka kuwo kalena uu dhaawac soo gaaray, kuwaasi oo dhammaantood saarnaa gaariga uu haleelay qaraxaas.

War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha dhinaca Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada qaraxaas ka dhacay Buula-guduud ee duleedka Kismaayo, iyagoo sheegay inay ku dileen 10 Askari oo Jubbaland ah.

Sidoo kale Shabaab ayaa sheegtay in gaariga ay saarnaayeen Ciidanka Jubbaland ee qaraxu haleelay oo ahaa Cabdi Bile uu gabi ahaan burburay, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Sare ee Ciidanka maamulka Jubbaland oo ay uga hadlayaan qaraxii ka dhacay, isla markaana lagu dilay Askar ka tirsan Maamulkooda, xili ay socdaal ku marayeen deegaanka Buula-guduud.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media