RW Rooble oo kulankii ugu Horeeyay La yeeshay Gudiga Doorashada

Ra’iisul wasaaraha Xukumadda federaalka Soomaaliya maxamed Xusen Rooble ayaa kulan la yeeshay Gudiga Doorashada Heer Federaal iyo Gudiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka, waxaana intii kulanku socday looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiindar-dar galinta arrimaha dorashooyinka dalka ka dhici doona.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa oo Khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay kulanka  ayaa waxaana uu faray guddiga Gudiga Doorashada Heer Federaal iyo Gudiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka ina y ka fogaadaan wax waliba oo caqabad ku noqon kara doorashada soo aaddan.

Guddiyada maadaxa bannaan ayuu sheegay in ay lagama maar maan u yihiin doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu wada qanacsan yahay.

Guddiga ayuu kula dar daarmay Ra’iisul Wasaare Rooble in ka shaqeeyaan cadddaaladda, isagoo sheegay in loo baahan yahay in ay ilaaliyaan qoondada Haweenka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media