Wararka aanu ka heleyno degaanada ku dhodhow degaanka Owdiinle ee gobalka Baay ayaa sheegaya in dad gaaraya 30-ruux ay ku sumoobeen Biyo ay ka cabeen War.
Waxaa la sheegay sidoo kale in ay xalad cafimaad ay la ildaranyihiin 28-kale oo la sheegay in ay u badnayeen xoolo dhaqato.
Masuuliyiin ka tirsan mamulka Konfurgalbeed ayaa xaqiijiyay in dadkaan ay u geriyoodeen Biyo ay cabeen darteed isla markaana ay u badanyihiin reer mii.dhinaca kalana dadka la ildaran ayuu sheegay maamulku in ay u bahanyihiin in la geyo Isbitaal maadama degaanku aanu laheyn Xarun Caafimaad.