Roobab xoogan oo 4 qof ku dilay,19 kalena ku dhaawacay magaalada Hargeysa

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in ugu yaraan 4 ruux ay ku dhinten 19 kalena ay ku dhaawacmen roobab xoogan oo ka da’ay magaalada Hargeysa.

Roobab xoogan oo dabeylo watay ayaa ka hooray magaalada iyo deegaano hoos yimaada kuwaas oo khasaare geystay sida dadka deegaanka ay warbaahinta u sheegen.

Dadkan dhintay waxay wararka sheegayan iney dhismooyin ku soo dumen kadib markii roobab xoogan ay da’en.

Warbaahinta qaar ayaa sheegeysa in roobabka ay soo riden geedad badan oo ku yiilay magaalada Hargeysa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor