Madaxweynaha oo xilkii ka qaaday Taliyaha Nabad Sugida Soomaaliya

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya ayaa xilkii ka qaaday taliyaha nabad sugida Soomaaliya General Cabdiraxman Maxamed Tuuryare isaga oo si ku meel gaar ah xilkasi ugu magacaabay general Cabdullaahi Gaafow Maxamuud oo hore u ahaa agaasimihii waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya.

Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa lagu cadeeyay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu xilkii ka qaaday general Tuuryare isaga oo tixgelinaya baahi ku saabsan isbedel lagu sameeyo hogaanka Hey’adda sirdoonka qaranka,islamarkaana  cuskanaya qodobada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka KMG.

Hey’addaha amniga Soomaaliya ayaa dhawaan la kulmayay eedeymo badan oo loo soo jeediyay.

Tuuryare ayaa sido kale loo magacaabay la taliyaha gaarka ah ee wasiirka amniga Soomaaliya sida lagu cadeeyay wareegtada ka soo baxday xafiiska madaxweynaha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor