Faah faahin:- Qarax gaari oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax gaari oo daqiiqado ka hor ka dhacay magaalada Muqdisho,qaraxa ayaa ka dhacay bar Koontorool oo ku taal Tiyaatarka qaranka kuna dhegan taalada Xaawo-taako.

Dad goob googayaal ah ayaa dalsan u xaqiijiyay in qaraxu uu ka dhacay Koontoroolka lagu baaro gaadiidka aada madaxtooyada qwaxaana la sheegay in gaaro qarxay uu ku jiray laynka lagu hubinayay gaadiidka oo ciidanka ilaalada Madaxtooyadu ay gaadiidka ku baaqaan.

Goobta qaraxu uu ka dhacay waxaa ku taal kaalin Shidaal waxaana la sheegay in ay gubanayso kaalintaas isla goobtaas waxaa ku yaal goobo ganacsi,waxaana qaraxa ka dhashay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad ku qaxweynayay agaas iyo kuwa marayay waddaas oo ah mid halboowla ah aadna loo ilaaliyo.

Ilaa iyo haatan ma jirto cid si dhab ah u xaqiijin karta tirada dhimashada laakin weriyaasha dalsan oo goobta tegay ayaa soo weriyay in arkeen dhaawac iyo dhimasho welina uu socdo gurmadku.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media