Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Axmed Bin Muxamed Saalix Almuwala.
Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Safiir Axmed Bin Muxamed ayaa waxaa kulankooda uga hadleen xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii horumarin lahaa.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjire Muwalad, ayaa ka wada hadlay xaaladda abaarta ka jirta Soomaaliya iyo sidii dowladda Sacuudigu uga qeyb qaadan lahayd gurmad lala soo gaaro dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.
safiirka Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Axmed Bin Muxamed Saalix Almuwala ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta uga mahadceliyay soo dhaweynta kulankaan.