Doorashadii Golaha Shacabka ee ka socotay Baraawe oo la hakiyey iyo Isgaarsiinta oo la jaray

Doorashadii Golaha Shacabka Barlamaanka 11-aad ee ka socotay Magaalada Baraawe ee Caasimadda rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa la joojiyey, kadib madaafiicdii ku dhacday meel ku dhow Xarunta Madaxtooyada Baraawe.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay ilaa saddex hoobiye oo ku dhacay Baraawe oo laba kamid ah ay sigaar ah ugu dhaceen xaafadda Dayax oo ku taalla dhabarka dambe Xarunta Madaxtooyada Magaalada oo ay ka socotay doorashada Golaha Shacabka.

Inta la xaqiijiyay laba qof ayaa ku dhintay madaafiicda, halka saddex qof kalena ay dhaawacyo soo gaareen, sida uu kusoo warramayo Wariyaha Warbaahinta Dalsan ee ku sugan Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale waxaa gebi ahaan hawada laga saaray Isgaarsiitii Baraawe, isla markaana waxaa Magaalada dul-heehaayaba diyaaraddo nooca Helikobter-ka oo ay leeyihiin Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana weli cakiran xaaladda Baraawe.

Ilaa shan Xildhibaan ayaa Maanta lagu doortay Magaalada Baraawe, kuwasi oo kamid noqday Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya, waana deegaan doorashada labaad ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor