Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo dorraad socdaal ugu ambabaxay dalka Kuwait ayaa Caawa dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wafdiga uu hoggaaminayay ayaa Kuwait uga qeyb gelay tacsida iyo ducada amiirkii dalkaas Sheikh Sabaax Alaxmed Alsabaax oo dhawaan ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Mareykanka.
Maxamed ayaa shalay booqasho ugu tagay Amiirka cusub ee Kuweyt Sheekh Nawaaf Al-Axmed Al-jaabir Al-sabaax, isaga oo gaarsiiyey tacsida Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan geeridii Marxuum Sabaax Al-Axmed.
Labada Hoggaamiye ayaa iska xogwareystay mustaqbalka xiriirka labada dal iyo muhiimadda ay leedahay in la sii joogteeyo iskaashiga ku saleysan walaaltinimada iyo is-garab istaagga, wuxuuna Rooble booqday qabriga Marxuumka.
Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa Maanta booqasho ku tegay Safaaradda dowladda Federaalka ay ku leeydahay Magaalada Kuwait, isagoo halkaas kula kulmay Safiirka Safaaradda iyo howl-wadeenno, kuna boggaadiyay shaqada ay hayaan.