Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in baaritaano kala duwan oo ah mid amni lagu sameeyn doono dhammaan shaqaalaha hay’addaha dowladda Federaalka.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Siihayaha Wasiirka Shaqada Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa waxaa lagu sheegay in shaqaalaha DFS baaritaano amni lagu sameeyn doono, isla markaana lala yeelan doono wareysiyo lana diiwaan gelinayo, si loo hubiyo macluumaadkooda saxda ah.
Sidoo kale Qoraalka ayaa lagu sheegay in hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ay baaritaanka ku sameeyn doonto shaqaalaha, waxaana shaqaalaha laga codsaday inay la shaqeeyaan NISA.
Qoraalka uu soo saaray Wasiir Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa ku taariikheysnaa 3-dii bishaan Octoober 2020, waxaana Qoraalkaas la ogeysiiyay Hay’adda NISA, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda iyo Madaxweynaha Jamhuutiyada Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.