Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la kulmay Guddoonka Baarlamaanka Galmudug

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay Guddoonka Baarlamaanka dowlad Goboleedka Galmudug.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Gacal Nuur ayaa Ra’iisul Wasaare Kheyre Warbixin ka siiyay xaaladda Baarlamaanka, hawlihii u qabsoomay Kal-fadhigii 1-aad iyo qorshaha Kal-fadhiga 2-aad ee furmaya dhamaadka Bishaan Luuliyo.

Xasan Cali Kheyre ayaa Galmudug iyo Hoggaankeeda ku bogaadiyay hawlihii baaxadda lahaa oo ay qabteen iyo Gogosha ay u fidiyeen Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamulada dalka.

Qoraal uu soo saaray Guddoomiye Maxamed Gacal ayaa waxaa lagu sheegay in R’iisul Wasaare Kheyre uu balan-qaaday in uu gacan ka geysanayo Tayeynta iyo Kobcinta Baarlamaanka maamulkaas.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa kulamo gar gaar ah ka wada Magaalada Dhuusamareeb oo uu uga qeyb geli doono Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo Maamulada Goboleedyada uga furmaya halkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media