Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ku baaqay in meel looga soo wada jeesto Al-Shabaab

Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Khayre ayaa uga tacsiyadeeyey Qoysaska, Qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed qaraxii maanta kooxada nabad diidka ay ka geysteen wadada Makkah Al-mukarama ee magaalada Muqdisho.

“Waxaan tacsi u dirayaa ehellada iyo qaraabada ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay qaraxaas, waxaan sidoo kale ALLAH uga baryayaa kuwa dhaawacmay inuu caafimaad deg-deg ah siiyo ” ayuu yiri R/W Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in hal dhinac looga soo wada jeesto ficillada foosha xun ee kooxaha Argagixisadu ay la beegsanayaan shacabka aan waxba galabsan.

“Waa inaan meel uga soo wada jeesanaa Argagixisada liddiga ku ah jiritaanka iyo qaranimada ummadda Soomaaliyeed” ayuu raaciyey Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Xigasho Sonna

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media