Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ka hadlay Go’aanka lagu xiray Xabsiga Godka Jilacow

Wasaaradda Amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa Maanta Albaabada u laabtay Xabsiga godka Jilacow,kaidb markii ay cabasho ka timid Shacabka Soomaaliyeed iy Hay’adaha xaquuqul insaanka.

Xeritaanka Xabsiga Godka Jilacow,waxaa ka hadlay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre,isaga oo sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay dib u hagaajineyso laamaha Amniga iyo Caddaaladda dalka.

Waxa aan maanta gebi ahaanba xirnay xabsiga Godka Jilacoow. Waa qeyb kamid ah howlaha ay xukuumaddu dib ugu hagaajineyso laamaha Amniga iyo Caddaaladda dalka, si ay u ahaadaan kuwo lala xisaabtami karo oo u adeega shacabkooda.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale iyo Wasiirka Cadaalada ayaa Maanta waxa ay siwadajir ah u sheegeen in sababaha ooo xiray Xabsiga Godka Jilacow ay tahay cabashada ka timid Shacabka,isla markaana loo bedelay Xarunta Tababarada Ciidanka NISA ee Jilacow.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor