Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii saakay ku timid Abwaankii Soomaaliyeed ee Maxamuud Cabdulaahi Ciise Sangub oo ku dhintay Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa uu tacsi tiiraanyo leh u diray ummadda Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka baxay Abwaan Maxamuud Cabdulaahi Ciise Sangub,isla markaana xusay inuu ahaa Abwaan Qaran.
Sidoo kale waxaa uu Alle uga baryay inuu naxaiistiisa Janno ka waraabiyo Abwaankii Soomaaliyeed ee Maxamuud Cabdulaahi Ciise Sangub.
“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ummadda Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka baxay Abwaan Maxamuud Cabdulaahi Ciise Sangub. Waxa uu astaan u ahaa waddaniyadda. Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxaiistiisa Janno ka waraabiyo”ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.
Abwaanka Soomaaliyeed ee Maxamuud Cabdullaahi Ciise(Sangub) ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey xanuunsanayay,waxaana markii ugu dambeysay ku jiray isbital ku yaalla Dalka Itoobiya.