Maamulka Koonfur Galbeed oo Guddi u xilsaaray xasuuqdii ka dhacay Galmudug

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Guddi xaqiiq raadin ah u magacaabay Shaqaaqooyinkii ka dhacay Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo ee Galmudug.

Wareegto ka soo  baxday Xafiiska Madaxweyne Lafta-gareen ayaa Guddiga xaqiiq raadinta ah lagu magacaabay,kuwaasi oo ka kooban 6-xubnood,isla markaana waxaa ay baaritaano kusoo sameeyn doonaan dadkii shacaka ahaa lagu dilay Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo.

Duleedka Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa dhawaan lagu dilay Afar ruux oo ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed,halka 9 qof kalena oo ka soo kala jeeda deegaanada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed lagu dilay Magaalada Gaalkacyo.

Hoos ka Akhriso Magacyada Guddiga uu magacaabay Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media