Ciidanka Danab oo lagu wareejiyay amniga Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb

Ciidanka Danab ee Xoogga Dalka ayaa Maanta waxaa si rasmi ah  loogu wareejiyay amniga Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kormeer ugu tegay Ciidanka Danab ee Xoogga Dalka ee lagu wareejiyay amniga Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Kheye ayaa Ciidanka kula dar-daarmay Adkeynta Amniga Garoonka,isla markaana faray inay wada shaqeyn la yeeshan hay’addaha ka howlgala Garoonkaas.

Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa shalay waxaa si buuxda loogu wareejiyay Ciidamada ammaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya,waxaana xalay kulan looga hadlayay amniga Magaaladaas shir Guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media