Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlaayay dhaqan-gelinta heshiiskii Doorashooyinka 2020/2021 ay ka gaareen Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka ayaa dalab u diray Beesha Caalamka.
Ra’iisul Wasaare Roobole ayaa Beesha Caalamka ka Codsay inay taageeraan heshiiskii laga gaaray hanaanka Doorashada dalka, si doorashada ugu qabsoonto waqtigii loogu tala-galay, kuna dhacdo si daah-furan oo nabad ah.
Sidoo kale Maxamed Rooble ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uga mahadceliyay tanaasulkii weynaa ee uu sameeyay, si loo fuliyo heshiiskii Doorashada, sidoo kalena u mahadceliyay Madaxda maamul Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Isaga oo sii hadlaayay Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa uu tilmaamay in Xukuumaddiisa ay hogaamin doonto geedi socodka Doorasho xor iyo xalaal ah, isla markaana doorashada dalka Soomaaliya ku dhacdo si nabad ah.
Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday inay ka qeyb qaatan habsami u socodka Doorashooyinka dalka, kuwaasi oo bilaabanaya bisha soo socota ee sanadkaan 2020.