Goordhow waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho ka dhoofay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo booqasho mudo Saacado ah qaadatay ku jooga Magalada Muqdisho.
Ra’iiusl Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa Garoonka ku sii sagootiyey Ra’iisul Wasaraha Itoobiya,isaga oo raacay diyaaradii markii hore keentay oo Garoonka ku sugeysay.
Saacadihii uu ku sugnaa Muqdisho ayaa waxa uu kulamo la qaatay madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre,iyaga kulankoodii ay ka soo saareen Warmurtiyeed.
Madaxweyne Farmaajo oo kulanka kadib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ra’iiusl Wasaare Abiy Axmed uu dalkiisa ku hoggaaminayo siyaasad cusub oo wax badan ka bedeshay siyaasadii hore ee dalkaas.
Booqashadaan uu Maanta Muqdisho ku yimid Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa waxa ay qeyb ka tahay booqashoyin uu ku soo marayo qaar ka mid ah Wadamada Afrika.