Rag ku labisnaa dareeska ay xirtaan Ciidamda Dowladda Soomaaliya ayaa manta wax ay qof Shacab ah ku dileyn Beerta jaadka ee degmada Hodan Gobolkaan Banaadir.
Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in raggaas oo watay AK47 ay toogteen Qof Shacab ah oo ka ganac sanayay Mobelada Celiska ah,isla markaana dilka kadib ay goobta ka baxsadeen.
Macada sababta ninkaasi loo beegsaday iyo cidda ka dambeysa dilkiisa,waxana goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowaldda kuwaas oo meydka Ninka halkaasi ka qaaday.
Majirto cid loo qabtay dilkaas iyo waliba cid sirasmi ah loogu tuhmayo,waxaana uu qeyb ka yahay dilalka marwalba ka dhacay Gudaha Magalada Caasimadda ah ee Muqdisho.