Ergayga Gaarka ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Michael Keating ayaa sheegay inay QM si xooggan u cambaaraynayso Qaraxyaddii shalay ka dhacay agagaarka Xeradda Ciiddanka Jeneral Dhega badan iyo Hotelk Wehliye ee magaalladda Muqdisho.
Hadal-qoral oo uu soo saaray Keating waxa lagu xusay in weerararadaasi yimaadeen xilli ay Soomaalida u baahan yihiin midnimo oo aysan u baahnayn qalalaaso kale.
Waxa kale oo lagu xusay inay Qaraxyadaasi ku soo beegmeen, xilli ay Somalia ku jirto Abaar iyo Macluul daran.
Ergayga Gaarka ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Michael Keating waxa u uqoraalkiisa ku sheegay inay Tacsi u dirayaan qoysaska iyo saaxiibadda ay dadka kaga geeriyoodeen Qaraxyadaasi, wuxuuna dadkii dhaawacmay u rajeeyey caafimaad iyo bogsiino degdeg ah.
©Radio Dalsan