Wufuud kala duwan oo Maanta ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta waxaa lagu wadaa inay gaaraan Ergada ka qeyb galeysa Shirka dib u heshiisiinta Galmudug,kaasi oo Gogoshiisa ay taallo halkaas.

Inta badan Ergada ka qeyb galeysa Shirka oo kala socota Magaalooyinka Muqdisho,Caabudwaaq iyo Balanbal ayaa lagu filayaa in saacadaha soo socda ay tegaan Magaalada Dhuusamareeb.

Maanta oo Sabti Taariikhduna ay ku beegan tahay 17-ka Bisha Agoosto ayaa qorshaha waxaa uu ahaa in Dhuusamareeb uu ka furmayo Shirweynaha Dib u heshiisiinta Galmudug,hayeshee waxaa la sheegay inuu dib u dhac uu yimid.

Weli lama oga sababta keentay inuu dib u dhaco markii labaad Shirweynaha Dib u heshiisiinta Galmudug oo Gogoshiisa ay taallo Magaalada Dhuusamareeb.

Guddiga Qaban-qaabada Shirweynaha Dib u heshiisiinta Galmudug ayaa shaaciyay in la diyaariyay xarumaha la dejinayo Ergada ka qeyb galeysa Shirkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media