Hay’adda Dowladda Liibiya ugu qaabilsan Muhaajiriinta aan sharciga ahayn ayaa shaacisay inay ku guuleysatay inay dib u midoobaan Qoys Muwaadiniin Somalia oo si sharci-darro ah ku joogay dalkaasi.
Hadal-qoraal oo ay maanta soo saartay Hay’addaasi ayaa lagu sheegay in in Aabaha qoyskaasi oo deganaa Degmadda Garji ee magaalladda Tripoli ay xaaskiisa iyo Wiilkiisa ku kala lumen xaallado aan kala caddayn.
Qoyskaasi ayaa la sheegay inay ka diiwaan gashanaayeen Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR, isla markaana ay u kireysay guri, ilaa ay u ambabaxayaan dal kale.
Hay’adda waxay sheegtay in la xaqiijiyey Dukumentiyadda laga rabay xaaska iyo wiilka ambadka ahaa oo la dhigay Faraca Waaxda Socdaalka ee ku taalla degmo ka tirsan Tripoli.
Qoyska Soomaalida ee dib u midoobay lama shaacinin magacyadooda, balse, waxaa la soo bandhigay Sawiradooda oo keliya, sida lagu soo daabacay Shabakadda wararka Alwasat ee dalka Libya.