Qoorqoor oo shaaciyay inuu bilaabay xalinta tabashooyinka Doorashada

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa sheegay inuu bilaabay dadaalo kala duwan oo lagu xalinayo tabashooyinka la xiriira hannaanka doorashada dalka Soomaaliya ka dhaceysa bilowga sanadka 2021.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa khudbad ka jeediyay Shirka Madasha Aragti Wadaagga ee ka socda Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, isagoo ka hadlay xaaladda dalka iyo khilaafka ka taagan doorashada.

Waxaa uu sheegay Qoorqoor in isaga iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ay aragti mideysan ka yeesheen sidii ay u xalin lahaayeen khilaafyada iyo tabashooyinka ka jira doorashada dalka, kadib kulankii ku dhexmaray Magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug ayaa tilmaamay in isaga iyo Deni ay ku mashquulsan yihiin sidii loo dhameyn lahaa khilaafyada ka jira doorashada lagu heshiiyay, isla markaana ay la kulmi doonaan Madaxda ka qeyb galeysa Shirka Garoowe.

“Kulankii Gaalkacyo aniga iyo saaxibkey Madaxwyne Saciid Deni, taasoo aan aragti mideysan ka yeellanay inaan u istaagno xalinta khilaafkaas iyo tabashooyinkaas, Waxaa hadda ku mashquulsanahay inaan dhameyno madmadowga ka soo ifbaxay hannaanka doroasho ee lagu heshiiyay, Imaanshaheyga halkaan iyo ka soo qeybgalka shirka in aan kulamo waxku ool la yeesho madaxda dowlad goboleedyada arrimaha tabashooyinka jira” ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Galmudug ayaa rajeeyay in natiijo wanaagsan ay soo bixin doonto kulanka ay la qaadan doonaan Madaxda oo ay kala  hadli doonaan sidii loo xal loogu heli lahaa in dalka ay ka dhacdo doorasho xor ah oo heshiis lagu wada yahay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media